Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Tottenham Vs Arsenal Ka Hor Kulankooda Maanta

Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa maanta isaga hor iman doona kulan adag oo Premier League ah kana tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka.

Waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee ay kooxaha Tottenham & Arsenal wada kulmaan wakhti dambe oo xilli ciyaareedka ah sanadihii ugu dambeeyay iyada oo labada kooxood ku tartamayaan boosaska tartamada yurub gaar ahaan kuwa champions League.

Labada kooxod ayaa ku jira xilli ciyaareed aan fiicnayn iyaga oo aan sidii looga bartay ku jirin kaalmaha ugu horeeya ee horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa kulamadii ugu dambeeyay soo kabsatay iyada oo 10 dhibcood ka heshay 12 dhibcood oo laga doonayay halka ay Tottenham ku dhibaatootay qaab ciyaareedka.

Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda maanta isaga oo isticmaalaya kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Shaxda Arsenal ku leedahay kaliya 3 xiddig halka ay Tottenham oo ka hoosaysa kala saraynta ku leedahay 8 xiddig.

Combined XI: NLD

Sii Akhriso: 3 Dhalinyaro Somaliyeed Ah Oo Ku Dhimatay Maagalada Minnesota Ee Dalka Maraykanka & Daroogo Sabab U Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*