Shaxda Isku dhafka Ah Ee Manchester City vs Real Madrid Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Jimcaha.

Man City ayaa habeen dambe marti galin doonta Real Madrid kulan ka dhici doona Etihad Staduim kana tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 2/1 ku soo garaacay Real Madrid lugtii hore Taas oo la macno ah in at Real Madrid u baahantahay guul si ay ugu gudubto wareega xiga.

Man City ayaa laga qaaday tartanka Premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda kubada cagta waxana ay isha ku hayaan in ay guul ka gaadhaan kulan.

Wargayska Sports Mole ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee kulanka iyada oo la adeegsanayo kaliya xiddigaha taamka u ah ee ciyaari doona.

Real Madrid ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan kadib markii laga soo xushay 7 xiddig halka Man City kaliya ku leedahay shaxda 4 xiddig.

Combined XI: MNC vs. RMA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*