Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United Vs Chelsea: Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Shaxda

Ole Gunnar Solskjaer & Frank Lampard ayaa isaga hor iman doona kulan xiiso leh iyada oo Man United marti galin doonto kooxda chelsea kula ka dhici doona garoonka Old Trafford.

United ayaa lagu xasuuqday 6/1 kulankii ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay Old Trafford laakiin kadib guuldaradaas waxa ay gaadhay laba guul oo muhiim ah iyaga oo ka kala badiyay kooxaha Newcastle iyo PSG.

United ayaa ku jirta kaalinta 15-aad ee premier League iyaga oo 6 dhibcood ka helay 4 kulan ee ay ciyaareen halka ay chelsea ku jirto kaalinta 8-aad.

Blues ayaa bar-baro niyad jab leh oo 3/3 ah la gashay kooxda Southampton kulankii ugu dambeeyay ee premier League ka hor inta ayna bar-baro 0/0 ah la galin kooxda Sevilla Champions League.

United ayaan guuldaro kala kulmin chelsea tan ilaa bishii November 2017 kulan premier League iyada oo klankii ugu dambeeyay ee premier League ay United kulan ku badisay 2/0 halka ay kulanka kale ku badisay 4/0.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray Shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo adeegsanaya kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Combined XI: MNU vs. CHE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*