Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United Vs Arsenal: Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

Kulan xiiso leh ayaa caawa Old Trafford ku dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal kana tirsan horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya 3 dhibcood oo muhiim ah waliba ayna dhibcuhu u qaybsamin laba dhinac.

Man United oo marti loo yahay ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isla garoonkan bar-baro gool la’aan ah kula gashay kooxda Chelsea todobaadkii hore.

Dhanka kale Arsenal ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha Premier League kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Leicester City.

Ka hor kulankooda caawa waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood laga sameeyay iyada oo ay shaxda ka soo muuqdeen xiddigaha taamka u ah kulanka

Kooxda Man United shaxda ku leh 6 xiddig ahna kooxda xiddigaha ugu badan ku leh shaxda halka ay kooxda Arsenal shaxda ku leedahay 5 xiddig

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*