Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Man City Vs Arsenal, Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

Muddo aya ka soo wareegtay markii ay taageerayaasha Arsenal galeen kulan weyn iyaga oo ku kalsoon in ay kooxdoodu natiijo fiican kala bixi karto kulan ay la ciyaarayso Man City marka xaqiiqada laga hadlo.

Tababare Mikel Arteta ayaa ugu dambayn kooxda ku soo celiyay halkii ay doonayeen iyo waliba wadadadii saxda ahayd.

Arsenal ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka premier League iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah oo ay ka gaadhaan kooxda Man City marka ay isaga hor imanayaan Etihad.

Gunners ayaa kulanka galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 4-aad halka ay kooxda Man City ku jirto kaalmaha ugu hoseeya ee horyaalka premier League.

Sidoo kale Man City ayaa dhawr xiddig oo muhiim ah dhaawac ku waayi doonta kulanka iyada oo uu ugu horeeyo xiddiga Kevin De Bruyne.

Hadaba shabakada caalamaiga ah ee qiimaysa xiddigaha kubada cagta ee whoscored Ayaa soo saartay shaxdooda isku dhafan ka hor kulanka caawa.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay kooxda Man City ku leedahay kaliya 3 xiddig.

Arsenal dominate Manchester City in surprise combined XI

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*