Shaxda Isku dhafka Ah Ee Kulanka Chelsea Vs Liverpool, Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

Kulan Adag ayaa Stamford Bridge ku dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Liveprool kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee premier League.

Chelsea iyo Liverpool ayaa isha ku haya in ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah xilli ciyaareedka cusub ee premier League marka ay isaga hor iman doonaan garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay guul 3/1 ah oo ay ka gaadhay kooxda Brighton halka ay Liverpool 3/4 uga badisay kooxda Leeds United kulan ka dhacay Anfield.

Blues ayaa doonaysa in ay bilowdo u tartamista horyaalka kadib markii uu Lampard si weyn ugu mashquulsanaa suuqa kala iibsiga.

Liverpool oo dhanka kale la soo saxiixatay xiddigaha Diogo Jota iyo Thiago sabtidii iyo jimcihii ayaa doonaysa in ay difaacato horyaalka.

Qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican premeir League ayaa kulanka isaga hor iman doona iyada oo labada kooxoodba ku hubaysan yihiin xiddigo xeer caalami ah.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo adeegsanaya kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay Blues ku leedahay kaliya 2 xiddig kuwaas oo ah xiddigaha cusub ee kooxda ku soo biiray.

Combined XI: CHE vs. LIV

1 Comment

  1. Markay Liverpool ay leedahay 8 coyaartoy blues ay leedahay 2 ciyaartoy kii koob iyo tobnaad yaa leh takale halkan waxad na tustay Chelsea ay kuleedahay 3 ciyaartoy taasi waxay na tusaysaa inaad dhinic kararatahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*