Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea Vs Real Madrid Ka Hor Kulankooda Caawa.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa isha ku haya kulan adag oo dhexmari doona kooxaha chelsea iyo Real Madrid kana tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka taranka champions League kaas oo dhici doona Caawa.

Labada kooxood ayaa wax walba oo ay hayaan la soo gali doona garonka maadama ayna wali kooxna xaqiiqsan booskooda final-ka ee champions league kadib markii ay bar-baro ku kala bexeen kulankii lugtii hore.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kalsooni buuxa kadib markii ay soo kala badiyeen labadii kulan ee horyaalkooda waxana ay kulankan u soo gali doonaan iyaga oo isha ku haya final-ka.

Kooxaha Los Blancos iyo Blues ayaa ku hubaysan qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka waxana ay shaki la’aan soo bandhigi doonaan tayadooda iyo awoodooda kulanka Caawa

Shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Arbacada iyaga oo adeegsaday kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Real Madrid kaliya ku leedahay shan xiddig shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda.

Combined XI: CHE vs. RMA

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*