Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Arsenal Vs Man United Ka Hor Kulankooda Adag Ee Premier League.

Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa kulan adag isaga hor iman doona Premier League kaas oo ka tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Kulamada ay ciyaaraan labada kooxood ayaa ah kuwa ugu xiisaha badan premier League iyada oo ay labada kooxood taariikh fiican wada leeyihiin premier Leageu.

Labada kooxood ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo ay labada kooxoodba isha ku hayaan in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Kooxda Man United ayaa kulankii Sheffield United guuldaro kala kulmay laakiin kulamadii ugu dambeeyay waxa ay ku jireen qaab ciyaareed cajiib ah.

Dhanka kale Arsenal ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican iyaga oo guulo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa ku hubsayn kuwo ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League waxana ay kulanka soo galayaan iyaga oo isha ku hayaan guul.

Hadaba shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Premier League.

Kooxda Man United ayaa xiddigaha ugu badna ku leh shaxda iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay kooxda Arsenal ku leedahay 5 xiddig.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*