Shaxda Cabsida Leh Ee Ay Barcelona Ku Ciyaari Doonto Hadii Uu Cristiano Ronaldo Ku Biiro Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Wararka ayaa sheegaya in uu madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ka shaqaynayso sidii uu Ronaldo uga garab ciyaarsiin lahaa Lionel Messi.

Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Juventus iyada oo hal sano ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda Juventus.

Wargayska Diario AS ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaarinayso qorshe ay ku doonayso saxiixa xiddiga iyaga oo heshiiska ku daraya xiddigaha Antoine Griezmann, Philippe Coutinho & Sergi Roberto.

Hadii uu heshiisku dhoco Lionel Messi & Cristaino Ronaldo ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda iska garab ciyaari kara iyaga oo abuuri kara koox si weyn looga cabsado.

Hadaba Halkan Kaga sida ay noqon karto shaxda Barcelona hadii uu Ronaldo ku biiro Barcelona.

BARCELONA: Marc-Andre ter Stegen: Jordi Alba, Clement Lenglet, Eric Garcia, Gerard Pique, Sergino Dest, Frenkie de Jong, Memphis Depay, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Sergio Aguero

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*