Shaxda Ay Real Madrid Kaga Hor Tagi Doonto Almeria.

Kooxda Real Madrid ayaa bilaaban doonta difacashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulankii ugu horeeyay ee tartanka.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda ku cusub horyaalka La Liga ee Almeria kulan ka dhici doona garoonka Municipal Stadium of the Mediterranean Games.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Ancelotti ayaa haysta koox dhamaystiran marka laga reebo xiddiga Dani Carvajal kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka kooxdiisa ugu horeeya horyaalka.

Dhinaca kale xiddigaha cusub ee Real Madrid ee Rudiger iyo Tchouameni ayaa la filayaa in ay ciyaaraan daqiiqadohoodii ugu horaysay ee horyaalka La Liga.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay Real Madrid kaga hor tagi karto Almeria.

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Valverde, Benzema, Vinicius Jr