Ruben Amorim wuxuu waayi doonaa laba daafac kulanka ay Manchester United ku booqanayso garoonka City Ground.
United waxay la kulmaysaa Nottingham Forest iyadoo saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo dhan badisay, waxaana Amorim uu rajeynayaa inuu sii wado niyadda wanaagsan marka uu wajaho Sean Dyche, kaas oo si dhaliil ah uga hadlay qaabkiisa xeeladeed.
Kooxda Amorim waxay toddobaadkii hore si nabad ah kaga soo baxday guushii ay ka gaareen Brighton iyada oo aan la kulmin dhaawacyo cusub. Lisandro Martinez ayaa ku dhow inuu garoomada ku soo laabto isaga oo ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah waxaana uu haatan ku jiraa tababar buuxa oo kooxeed, balse kulankan ayaa u imanaya xilli hore oo aan u suurtagelin inuu ka qayb qaato.
Harry Maguire ayaa seegay kulankii ay la yeesheen Brighton sababo la xiriira dhaawac fudud oo aan faahfaahin badan laga bixin, waxaana Amorim sheegay inuusan hubin in daafaca dhexe uu diyaar u noqon doono kulanka ka dhacaya City Ground.
Xiddiga la hubo in uu shaxda ku bilaaban doono ayaa ah Goolhaye Senne Lammens kaas oo qaab ciyaareed fiican ku jira.
Shaxda Ay Man United ku soo gali karto kulanka:
Lammens; Mazraoui, De Ligt, Shaw; Diallo, Casemiro, Fernandes, Dalot; Mbeumo, Cunha; Sesko
Be the first to comment