Shaxda Ay Man City Kaga Hor Iman Karto West Ham.

Manchester City ayaa dhawaan la kulmay dhaawacyo badan, xilli ay isu diyaarinayaan kulanka ay la ciyaarayaan West Ham.

Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waayay ciyaartoy muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin garabka bidix ee qaab-ciyaareed fiican ku jira Jeremy Doku iyo daafaca dhexe John Stones, kuwaas oo ku biiray maqnaanshaha Rodri iyo Mateo Kovacic.

Xiddiga da’da yar Oscar Bobb isna wuu maqnaan doonaa muddo dheer, kaddib markii uu dhaawac muruqa bowdada ah ka soo gaaray kulankii ay guusha ka gaareen Brentford ee Carabao Cup bartamihii toddobaadka.

Waxa liiska xiddigaha maqan kula biiray xiddigaha Rayan Ait-Nouri Iyo Omar Marmoush kuwaas oo ka qayb galaya koobka Africa.

Shaxda Ay Man City kaga hor tagi karto West Ham:

Donnarumma; Nunes, Dias, Gvardiol, O’Reilly; Silva, Nico; Cherki, Foden, Savinho; Haaland

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga