
Kooxda Liverpool ayaa dhaq-dhaqaaq weyn ka samaynaysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo doonaysa in ay xoojiso kooxda.
Reds ayaa mar hore dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Frimpong kaas oo ay kala soo wareegtay Leverkusen.
Liverpool ayaa sidoo kale ku dhaw xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Kerkez halka idoo kale ku dhawdahay saxiixa xiddiga Leverkusen ee Wirtz.
Kooxda Slot ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike.
Waxa la soo bandhigay shax laga sameeyay sida ay Liverpool noqon doonto hadii ay Hesho dhamaan bartilmaameedyada oo dhan.
Be the first to comment