Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Eintracht Frankfurt

Arne Slot waa in uu qaato go’aanno badan oo adag maadaama Liverpool ay isku dayayso inay ka soo kabato qaab ciyaareedkeeda liita marka ay booqanayso Eintracht Frankfurt tartanka Champions League-ka.

Kooxda Reds ayaa hadda ku jirta xaalad adag, iyagoo laga badiyay afar kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan, waxaana dhibaatada sii xoojisay guuldarro ay gurigooda kala kulmeen Man United markii ugu horreysay muddo toban sano ah.

Guulfarooyinkaas waxa ku jira guuldaro champions league ah oo ay kala kulmeen Galatasaray.

Slot ayaa la filayaa in uu shaxda ku bilaabo xifdiga Ekitike oo ka hor imanaya kooxdiisii hore isaga oo badalaya xifdiga dhibaatoonaya ee Alexander Isak.

Xiddiga Ryan Gravenberch ayuu shaki ku jiraa maadama uu dhaawac uga baxay kulankii Man United.

Xiddigaha Curtis Jones iyo Alexis McAlester ayaa Hogaamin Doona khadka Dhex.

Halkan kaga bogo shaxda Liverpool ku ciyaari karto.

Mamardashvili; Szoboszlai, Gomez, Van Dijk, Robertson; Jones, Mac Allister; Salah, Wirtz, Gakpo; Ekitike

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga