Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Arsenal Semi-Final-ka Carabao Cup-ka

Kooxda Liverpool ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Arsenal lugta 2-aad ee Semi-final-ka Carabao cup-ka iyada oo Reds isha ku hayso in ay gaadho final-ka.

Xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka kadib dhaawacmay kulankii Brentford ee horyaalka premier League.

Sidoo kale Liverpool ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha Thiago Alcantara & Divock Origi kuwaas oo dhaawacan halka xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Naby Keita ku maqanyihiin koobka Africa.

Laakiin Klopp ayaa la filayaa in uu ku soo galo shaxdoosa ugu adag isaga oo doonaya in uu gaadho final-ka tartank Carabao cup-ka markii 2-aad intii uu tababaraha u ahaa Liverpool.

blog_image