Shaxda Ay Chelsea Caawa Kaga Hor Tagi Karto Juventus Kulanka Champions League.

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa waayi doona adeega xiddig oo kooxdiisa ah kulanka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka kadib markii xiddiga laga helay xanuunka Korona.

Reece James oo dhankiisa dhaawac uga baxay kulankii Man City ayaa dhankiisa seegi doona kulanka Juventus ee caawa.

Dhanka kale xiddigaha Mason Mount iyo Chritian Pulisic ayaa seego doona kulanka caawa maadama ay wali ka soo kabsanayaan dhaawacyo ay horay u qabeen kuna seegeen kulamadii hore.

Sidaas darteed Tuchel ayaa soo xulan doona shax ay ka maqanyihiin xiddigaha kor ku xusan isaga oo doonaya in uu kooxdiisa ku hogaamiyo guushii 2-aad ee champions league xilli ciyaareedkan.

Halkan Kaga Bogo sida ay noqon karto shaxda ay chelsea kaga hor tagi karto Juventus:

Mendy; Christensen, T. Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kovacic, Jorginho, Alonso; Havertz, Lukaku, Werner.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*