
Arsenal waxa dib uGu soo laaban kara Mikel Arteta kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan PSG caawa.
Merino ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee Gunners ay la ciyaartay kooxda Crystal Palace arbacadii hore, waxaana shaki la galiyay inuu taam u noqon karo kulanka lugta hore ee semi-finalka Arsenal ee Emirates Stadium.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Spain, ayaa ka qayb qaatay tababarka galabnimadii Isniinta, waxaana la filayaa inuu taam u noqdo ciyaarta.
Ben White, oo sidoo kale seegay barbarihii 2-2 ee usbuucii hore ayaa sidoo kale ka qayb qaatay tababarka si uu war fiican u siiyo Mikel Arteta.
Arsenal ayaan ka cabanayn dhaawacyo badan waxana taam u ah inta badan xiddigaha kooxda.
Shaxda Ay Arsenal kaga qayb gali karto kulanka:
Raya; Timber, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly; Odegaard, Rice, Merino; Saka, Trossard, Martinelli
Be the first to comment