Shax Sidee Ah Ayay Liverpool Ku Ciyaari Doontaa La’aanta Joe Gomez, Virgil van Dijk & Trent Alexander-Arnold

Masiibada dhaawacyada ee dhanka daafaca Liverpool ayaa sii xumaanaysa kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga Joe Gomez kaas oo la sheegayo in uu yahay dhaawac halis ah.

Daafaca dhexe ayaa qolka daawaynta kula biiraya xiddigaha Virgil van Dijk & Fabinho  taas oo la macno ah in uu Klopp kaliya daafac dhexe haysto Joel Matip kaas oo ah xiddig dhaawac badan.

Reds ayaa sidoo kale todobaadyada soo socda waayi doonta adeega xiddiga Trent Alexander-Arnold waxana uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulamo dhawr ah.

Hadaba sidee ayuu Jurgen Klopp ku buuxin karaa masiibada dhaawac ee ku habsatay kooxdiisa.

Shaxda Premier League:

Neco Williams Ayaa ku bilaaban doona booska Alexander-Arnold iyada oo uu Joel Matip yahay daafaca dhexe ee kaliya ee jooga kooxda.

Xiddiga Nathaniel Phillips oo ciyaaray kulankii West Ham ayaa sidoo kale la filayaa in uu daafaca dhexe kaga garab bilowdo Matip iyada oo uu Andy Robertson ku bilaaban doono booskiisa.

Shaxda Champions League:

Maadama uun Phillips ku jirin liiska champions League waxa uu kaliya Liverpool u ciyaari doonaa premier League.

Rhys Williams ayaa ku bilaaban doona daafaca dhexe kulanka champions League kadib markii uu labadii kulan ee hore ku bilowday.

Shaxda Badalka Ah ee 1-aad:

Kabtanka kooxda ee Jordan Henderson ayaa horay uga ciyaaray daafaca dhexe kulankii Club world cup-ka ee xilli ciyaareedkii hore.

Kloppayaa qirtay in uu Henderson iyo waliba Andy Robertson ku buuxin karo booska daafaca hadii uu u baahdo.

Shaxda Badalka Ah ee 2-aad:

Liverpool ayaa xoojisay daafaca bidix xagaagii iyaga oo keenay xiddiga Kostas Tsimikas si uu badal ugu noqdo Andy Robertson marka loo baahdo.

Inkasta oo uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda ilaa haatan hadana Kostas Tsimikas ayaa heli kara fursad hadii uu Klopp Andy Robertson ka ciyaarsiiyo daafaca dhexe.

Shaxda Ugu Dambaysa:

Tababare Klopp ayaa laga yaabaa in uu badalo shaxdiisa sabab la xidhiidha in uuna haysan xiddig khibrad fiican u leh daafaca dhexe.

Waxa laga yaabaa in uu ku ciyaaro 5 daafac ah isaga oo 3-da daafac ka dhigi kara xiddigaha Matip, Henderson iyo Robertson.

Shaxdaas ayaa fursad siin doonta xiddigaha Kostas Tsimikas & Neco Williams.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*