Shax Laga Sameeyay Xiddigaha U Soo Ciyaaray Chelsea Ee Ajanbiga Ah Oo La Soo Saaray.

Kooxda chelsea ayay u soo ciyaareen Xiddigo badan oo ka soo jeeda dalal iyo qaarada badan oo adduunka ah kuwaas wacdaro ka soo dhigay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha lacag ugu badan galiyay suuqa kala iibsiga taariikhda iyaga oo 20-kii sano ee ugu dambeeyay la soo saxiixday xiddigo heer walba ah.

Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray shaxda ugu fiican ee xiddigaha Ajanbiga ah ee aan u dhalan dalka UK ee Blues u soo ciyaaray premier League.

Shaxda waxa xiddigo haatan ciyaarayaya una ciyaaraya chelsea kaga jira xiddiga Azpilicueta kaas oo muddo dheer joogay chelsea wakhti fiican la soo qaatay.

Eden Hazard, Drogba Iyo Zola ayaa sidoo kale hogaaminaya weerarka shaxda la soo saaray ee xiddigaha Ajnabiga ah ee ugu fiican Chelsea.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*