Shax Laga Sameeyay Xiddigaha Da’yarka Ah Ee Ugu Fiican Oo La Soo Saaray.

Inkasta oo ay Barcelona ku dhibaatoonayso natiijooyinka sidii xilli ciyaareedkii hore waxa jira hal arin oo fiican taas oo ah in 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ay kooxda Barcelona ka soo bexeen xiddigo da’yar ah oo tayo leh.

Akademiyadooda La Masia ayaa ah mid aad loo amaano waxana bilihii ugu dambeeyay ka soo baxay xiddigo tayo leh kuwaas oo ay ka mid yihiin Gavi iyo Ansu Fati.

Transfermarkt Ayaa soo saartay shax laga sameeyay xiddigaha ugu fiican ee da’yarka ah gaar ahaan xiddigaha ka yar 18 sano jirada adduunka.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh 4 xiddig halka ay kooxda Real Madrid ku leedahay hal xiddig marka la eego shaxda ugu fiican ee xiddigaha da’yarka ah.

Dhanka kale kooxaha Rennes, Santos, Southampton, Dortmund, Bayern Munich iyo Leverkusen ayaa min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*