Shax Laga Sameeyay Saxiixyadii ugu Xumaa Ee Ay Man United Samaysay Kadib Markii Uu Sir Alex Ferguson Ka Tagay.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa Man United ku macasalaameeyay horyaalka premier League laakiin saxiixyo xun oo joogto ah ayaa kooxda u suurtagalin waayay in ay mar kale ku guulaysato horyaalka.

Man United ayaa samaysay saxiixyo aad u badna tan ilaa markii uu Sir Alex ka fadhiistay ciyaaraha iyada oo ay xiddigo badan ku fashilmeen.

Gaar ahaan Man United ayaa lacag dhan £323.7million kula soo wareegtay 11 xiddig oo ku fashilmay kooxda kuwaas oo ayna intooda badan wax koobab ah kula guulaysan kooxda.

Saxiixyada ugu fiican ee ay Man United samaysay ayay ku jiraan xiddigo weerarka ka ciyaara kuwaas oo lagu badalay Wayne Rooney & Robin van Persie.

Waxa ugu qaalisan Romelu Lukaku kaas oo ay kooxdu ka soo bixisay 75 milyan oo euro ka hor inta uuna Ole Gunnar Solskjaer iska iibin xiddiga xagaagii hore.

Angel Di Maria ayaa sidoo kale ku jira saxiixyada ugu xun ee ay Man United lacagta badan ka soo bixisay kadib markii ay 59.7 milyan ka soo bixisay.

Xiddigaha Fred, Depay iyo kuwo kale oo badan ayaa ka mid ah xiddigaha ka soo muuqday saxiixyada ugu xun ee ay kooxdu samaysay tan ilaa markii uu Sir Alex Ferguson ka tagay kooxda.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*