Shax Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Saxiixyada Ay Kooxaha Premier League Sameeyeen Ilaa Haatan Suuqa Xagaaga.

Kooxaha Premier League ayaa mar kale suuqa galiyay lacago badan ilaa haatan ay kula soo wareegeen xiddigo cusub oo ay ku xoojinayaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkan.

Kooxda chelsea ayaa Ayaa baanka u jabisay saxiixa Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Inter Milan dibana xiddiga ugu soo celisay Stamford Bridge.

Shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee laga sameeyay saxiixyada ay sameeyeen kooxaha premier league ilaa haatan suuqa xagaagan iyaga oo soo qaatay xiddigaha ugu waaweyn.

Kooxaha Man United, chelsea iyo City iyo Arsenal ayaa sameeyay saxiixyo waaweyn iyaga oo kooxooda ku soo daray xiddigo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore si ay u xoojiyaan kooxdooda.

Sidoo kale kooxaha Aston Villa, Leicester City iyo Tottenham ayaa shaxd ku leh xiddigo kadib markii ay si fiican u xoojiyeen kooxohooda ilaa haatan suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*