Shax Laga Sameeay Xiddigaha Ugu Fiican Ee Qarniga 21-aad Laakiin Aan Waligood Koob Kula Guulaysan Xulalkooda Oo La Soo Saaray.

Waxa jira xiddigo magac weyn ku leh adduunka kubada cagta waliba wax walba kula guulaystay kooxohooda laakiin ilaa haatan ku dhibaatoonaya in ay koobab kula guulaystaan xulalkooda.

Shabakada Squawka ayaa soo saartay shax ay ka samaysay xiddigaha waaeyn ee magaca weyn ku leh kubada cagta laakiin aan koobab kula guulaysan xulalkooda qaramada ay matalaan.

Shaxda waxa ku jira xiddigo haatanba ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta iyo xiddigo haatan ciyaara kuwaas oo magac weyn ku leh kubada cagta adduunka.

Xiddigaha Virgil Van Dijk, Neymar, Modric ayaa ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn ee haatan ciyaara ee aan xulalkooda wax koobab ah kula guulaysan inkasta oo ay ka mid yihiin xiddigaha ugu fiican kubada cagta adudunka.

Halyeeyada Ferdinand, Zenti, Robben, Drogba ayaa ka mid ah xiddigaha dhankooda aan ku guulaysan koobab xulalkooda ah in ay wax walba kula guulaysteen kooxohooda.

Image

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*