Shaqsigii Real Madrid Ka Hor Istaagay Saxiixa Kylian Mbappé Ee Sanadkii 2017-ka Oo La Ogaaday

Tababarihii hore kooxda PSG ee Unai Emery ayaa daboolka ka qaaday heerka uu gaarsiisanaa rabitaanka Kylian Mbappé ee la xariira in uu u soo wareego Real Madrid waqtigii ay wada joogeen .

Macalinka ayaa hoosta ka xariiqay in da`yarkaas reer France uu si weyn ugu waalnaa xiisaha ah in uu mar uun uu u ciyaaro Real Madrid .

Kylian Mbappé ayaa u dhawaa sanadkii 2017-dii in uu u wareego Real balse sababo aan cadeyn waxa uu laaxcibkaas uu u saxiixay PSG xilli lacag ahaan ay ku baxday hishiikaas 180 milyan oo euro

Tababare Unai Emery ayaa cadeeyay in laacibkaas uu si fog u doonayay in uu u wareego Real balse isaga uu yahay qofka ku qanciyay in uu sii joogo kooxdaas

Wargeyska Marca ayuu Unai Emery ka yiri ” Kylian Mbappé si fog ayuu u xiiseynayay in uu Real u wareego , jaceyl waali ah ayuu u qabay”

” Ma dooneyn in uu baxo , isaga iyo aabihii wadahadlalo dheer ayaan la yeeshay waana ku qanciyay in uu sii joogo” ayuu sii raaciyay tababare Unai Emery oo aan xusin wadada uu u maray arintaas .
Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacinbkaas haatan uu diidan yahay in uu saxiixo hishiis cusub xilli midkiisa haatan u dhacayo xagaaga 2022-ka , waxaana si weyn loo xariirinayaa in uu u wareegayo Real marka suuqa xagaaga mar kale uu furmo