
Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setién ayaa tilmaamay in ay ceyb tahay in ay qasaariyaan dhibco ka dib kulankii xalay ee ay bar bar dhaca kula galeen Atlletico Madrid
Wargeyska Marca ayuu Quique Setién ka yiri” in aan dhibco qasaarinno waxa ay tahay in aan ka sii fogaaneyno in aan qaadno horyaalka”.
” Atletico aad ayay ay u wacnaayeen , wax waliba ayaan sameynay balse daafac adag ayaan wajahnay” ayuu sii raaciyay macalin Quique Setién
Arinta Griezmann ayaa wax laga weydiiyay kaasi oo uu soo giliyay daqiiqadii 90-aad ” waxaan u arkaa xiddig wacan balse dhamaan ciyaartooyda dhamaan lama wada ciyaarsiin karo”
Xaaladda guud ee kooxda ee kulankii xalay waxa uu ka yiri” waan ku faraxsanahay heer ciyaareedkii kooxda , si wacan ayaan u maamulnay kubadda”
Ugu dambeyn mustabaqlkiisa Barcelona waxa uu ka yiri “ma filayo in aan halis ugu jiro in aan waayo shaqada Barcelona”.
Be the first to comment