Shanta Xiddig Ee Ugu Fiican Euro 2020 Ilaa Haatan Oo La Soo Saaray.

Shabakada FedEx Europe ayaa soo saartay 5-ta xiddig ee ilaa haatan ugu fiican tartanka Euro 2020 kaas oo maraya meel xasaasi ah laguna sii durkayo dhamaadka tartanka.

Waxa isugu soo hadhay tartanka kaliya 8 xul kuwaas oo ku dagaalami doona tartnka todobadyada soo socda iyada oo xul walba isha ku hayo in uu iska xaadiriyo final-ka tartanka.

FedEx Europe Oo qiimysay xiddigaha ka qayb galaya tartanka euro 2020 ayaa soo saaray liiska 5-ta xiddig ee ilaa haatan ugu fiican tartanka iyaga oo xitaa qabtay waxa ay sameeyeen.

1.Cristiano Ronaldo: ayaa ciyaaray 4 kulan isaga oo dhaliyay 5 gool sidoo kale caawiye ka noqday hal kale.

2.Patrik Schick: ayaa ciyaaray 4 kulan waxana uu dhaliyay 4 gool wax caawin ahna ma samayn.

3.Robin Gosens: Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa xulkiisa Germany u ciyaaray 4 kulan waxana uu dhaliyay hal gool laakiin qaab ciyaareedkiisa difaac ayaa fiicanaa.

4.Andriy Yarmolenko: Xiddiga ayaa xulkiisa Ukraine u ciyaaray 4 kulan waxa uu dhaliyay 2 gool waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale.

5.Luka Modric: Xiddigan khabiirka ah ayaa ciyaaray 4 kulan oo xulkiisa Croatia ah waxana uu dhaliyay gool waxana uu caawiye ka noqday gool kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*