SHANTA Xiddig Ee Ugu Fiican Adduunka Oo La Magacaabay.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Germany ee oliver bierhoff ayaa magacaabay 5-ta xiddig ee ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan la joogo.

oliver bierhoff ayaa la waydiiyay in uu doorto 5-ta xiddig ee ugu fiican adduunka xilli uu waraysi siinayay wargayska reer Germany ee Bild.

“Doorashada arintaas ma ahan mid fudud”ayuu oliver bierhoff yidhi.

“Waxa aan dooran lahaa: Lewandowski (Bayern), Salah (Liverpool), Kane (Tottenham), Haaland (BVB). Iyo Benzema (Real)”.

Lewandowski ayaa dhaliyay 51 gool ixlli ciyaareedkan halka uu Mohamed Salah dhaliyay 23 gool iyada oo uu Harry Kane dhaliyay 19 gool.

Xiddiga Haaland ayaa dhankiisa badiyay 44 gool halka uu Benzema u dhaliyay Real Madrid 23 gool.

Oliver bierhoff ayaa iska indha tirsy xiddigaha Cristaino Ronaldo oo dhaliyay 30 gool iyo Lionel Messi oo dhaliyay 27 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*