Shanta Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkan Oo La Shaaciyay

29 bisha November waxa la bixin doonaa abaalmarinta Ballon d’Or ee 2021, Wargayska l’Équipe ayaana haatan magacaabay xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga Abaalmarinta sanadkan.

Wargayska ayaa sheegay in ay jiraan 5 xiddig oo ugu cad-cad kana fursado badan xiddigaha kale in ay ku guulaystaan abaalmarinta Ballon d’Or 2021 kuwaas oo kala ah Leo Messi, Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Karim Benzema iyo Jorginho.

Xiddiga reer Argentina ayaa sii wada inuu maalinba maalinta ka dambeysa muujiyo inuu yahay kan ugu fiican adduunka isaga oo ugu dambayn ku guulaystay koobkii mudada dheer uu raadinayay ee Copa América.

Xiddiga Cristiano Ronaldo, inkastoo uu da ‘yahay, kama maqna tartanka halka uu Lewandowski sii wado gool dhalintiisa cajiibka ah ee kooxda Bayern Munich.

Xiddigaha kale ee ay majaladu sheegtay in ay ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga abaalmarinta waxa ka mid ah xiddigaha Karim Benzema Iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Jorginho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*