Shan Xiddig Oo Isaga Tagay Real Madrid Kadib Noqday Xiddig Heer Caalami Ah.

Xiddigaha James Rodriquez, Claude Makelele iyo Arjen Robben ayaa ka mid ah xiddigo uu qaab ciyaareedkoodu horumar sameeyay kadib markii ay ka tageen Real Madrid.

U Ciyaarista kooxda ku guulaystay champions League 13-ka jeer ayaa inta badan loo arkaa in u ciyaaristeedu tahay halka ugu saraysa xirfada kubada cagta laakiin 3-dan xiddig ayaa muujiyay in ka tagista Kooxda ku ciyaarta Berabue ay mararka qaar wanaagsantahay.

Hadaba wargayska SunSport ayaa soo bandhigay Liiska 5 xiddig oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kadib markii ay ka tageen Real Madrid.

JAMES RODRIGUEZ:

Xiddiga reer Colombia ayaa xagaagii ku soo biiray Everton waxana uu durba muujiyay tayadiia kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

James ayaa dhaliyay 3 gool iyo 6 caawin 5 kulan oo uu ciyaaray premier Leageu taas ayaana keentay in ay maamulka Real Madrid ka xanaaqaan Zidane iyo sababtii uu ugu ogolaaday in uu ka tago kooxda.

CLAUDE MAKELELE:

Waa xiddig kale oo isaga tagay Real Madrid kuna biiray premier League kadib markii uu xiddiga khadka dhexe isaga tagay Los Blancos kuna biiray chelsea sanadkii 2003.

3 Xilli ciyaareed oo uu joogay Real, xiddiga ayaa ku guulaystay 2 La Liga, Champions League, Koobka Kooxaha Adduunka iyo Uefa Super Cup.

Laakiin Makelele ayaa isaga tagay Real kua biiray chelsea waxana uu kula guulaystay horyaalka Premier League sanadihii 2005 iyo 2006.

ARJEN ROBBEN:

Xiddiga reer Holland ayaa Real Madrid kaga soo biiray Chelsea 2007 waxana uu kooxda kula guulaystay La Liga xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay isaga oo dhaliyay 8 gool.

Xagaagii 2009 Real Madrid ayaa ku qasbanaatay in ay iska iibiso xiddiga iyaga oo Cristiano Ronaldo iyo Kaka la soo saxiixday.

Xiddiga ayaana noqday Halyeeyga kooxda Bayern Munich oo uu 21 milyan ugu biiray isaga oo dhaliyay 144 gool 309 kulan oo uu ciyaaray.

CLARENCE SEEDORF:

Sida Robben, Seedorf ayaa lagu qasbay in uu isaga tago kooxda sanadkii 1999 maadama ay kooxdu doonaysay lacag ay suuqa ku gasho.

Seedorf ayaa Real kula guulaystay horyaalka La Liga iyo champions League laakiin waxa ay wakhti u wayday xiddiga waxana ay u dirtay Italy.

Seedorf ayaa ku biiray Ac Milan waxana uu wacdaro ka dhigay kooxda reer Italy isaga oo kula guulaystay champions League 2003.

WESLEY SNEIJDER:

Waa xiddig kale ee reer Holland ay oo ay Real Madrid iska dirtay sanadkii 2009 kadib imaatinkii Kaka iyo Xabi Alonso.

Xiddiga ayaa ku biiray Inter Milan kadib kula guulaystay saddexleydii taariikhiga ahayd ee 2010 waxana loo magacaabay xiddiga ugu fiican yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*