Shan Saxiix Oo Laga Yaabo In Ay Chelsea Samayso Maalinta Ugu Dambaysa Ee Suuqa January

Kooxda chelsea ayaa soo qaadatay wakhti adag garoonka dhexdiisa laakiin Kooxda ayaan wali wax dhaq-dhaqaaq ah ka samayn suuqa January waxana laga yaabaa in ay arintaas is badali doonto.

Blues ayaa ilaa haatan xiddigo iska dirtay iyaga oo iska diray xiddigaha  Fikayo Tomori & Danny Drinkwater kuwaas oo amaah uga tagay kooxda.

Kooxda chelsea ayaan u baahnayn saxiixyo badan marka loo eego in ay xagaagii suuqa galiyeen lacag dhan 250 milyan oo euro ah.

Laakiin maalinta ugu dambaysa suuqa ayaa ah mid aan la saadaalin karin wax walba way dhici karaan.

Hadaba wargayska Mirror Sport ayaa soo bandhigtay 5 saxiix oo laga yaabo in ay chelsea samayso ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Billy Gilmour: Xiddiga reer Scotland ayaa laga yaabaa in uu qaab amaah ah uga tago kooxda kadib markii uu tababare Tuchel ka saaray shaxdiisa labadii kulan ee ugu dambeeyay, Kooxda Southampton ayaana qaab amaah ah xiiso ugu qabta.

Olivier Giroud: Giroud ayaa Albaabka u raaci Kara Gilmour marka loo eego in uu heshiiskiisu dhici doono 6 bilood kadib gaar ahaan suuqa xagaaga.

Weeraryahanka ayaa la filayaa in uu dalbado in uu isaga tago kooxda kadib markii uu Thomas Tuchel Ka reebay labadii kulan ee uu hogaamiyay.

Kooxaha reer Italy ee Roma iyo Napoli ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer France ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Kepa Arrizabalaga: Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta ayaa ku jira wakhti xun waxana laga reebay labadii kulan ee Tuchel.

Sidaas darteed Goolhayaha ayaa laga yaabaa in uu isaguna isaga tago kooxda xilli uu xiiso ka helayo kooxda Ac Milan.

Emerson Palmieri: Daaaca Bidix ee reer Italy ayaa sidoo kale si toos ah uga tagi kara kooxda Chelsea ka hor inta uuna xidhmin suuqu.

Xiddiga yaa ka dambeeya xiddigaha Chilwell iyo Alonso waxana uu xiiso ka helayaa kooxda Inter Milan.

Gianluigi Donnarumma: Hadii uu Kepa ka tago chelsea saacadaha soo socda chelsea ayaa dhankeeda u dhaqaaqi karta Goolhayaha kooxda Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma kaas oo dhankiisa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*