SHAN Boos Oo Uu Ole Gunnar Solskjaer Doonayo In Uu Ka Xoojiyo Kooxdiisa Kadib U Soo Bixistii Champions League.

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiiqsatay booskeeda champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ku dhamaysteen kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Solskjaer ayaa haatan dareenkiisa u jeedin doonta xoojinta kooxdiisa si uu u dhiso koox xilli ciyaareedka dambe Liverpool & Man City kula tartama horyaalka premier League.

United ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo aad u badan kuwaas oo ay doonayaan in ay ka xushaan xiddigaha ugu haboon ee ay ku xoojin karaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Mirror Sports ayaa sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer bartilmaameedsanayo xoojinta 5 meel isaga oo doonaya in uu isku shaandhayn ku smaeeyo kooxdiisa suuqa xagaagan.

Meesha ugu horaysay ee uu tababare Ole Gunnar Solskjaer xoojin doono ayaa ah awooda kaydkiisa iyo waliba in uu helo xiddigo fiican oo kaydka ka soo kici kara wax weyna ka badali kara ciyaarta sidoo kale marka uu u baahanyahay in uu shaxdiisa is badal ku sameeyo in uu helo xiddigo leh tayo una qalma in ay joogto ugu ciyaari karaan.

Booska kale ayaa ah in uu doonayo daafac dhexe oo bidix ku ciyaara si uu uga garab ciyaarsiiyo kabtanka Harry Maguire maadama uu shaki ka qabo awooda Victor Lindelof ee qaab ciyaareedka fiican ee joogtada ah.

Sidoo kale tababaraha ayaa doonaya in uu keeno xiddig ka ciyaara khadka dhexe ee daafaca waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice.

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish ayaa sidoo kale ah xiddig bartilmaameed u ah Solskjaer suuqa xagaaga si uu u xoojiyo tayada khadka dhexe ee kooxdiisa.

Sidoo kale Solskjaer ayaa doonaya weeraryahan heer caalami ah isaga oo aan ku kalsoonayn xiddigaha Anthony Martial & Marcus Rashford in ay taam ahaan doonaan xilli ciyaareed buuxa waxana uu doonayaa Jadon Sancho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*