Hordhac: Sevilla Vs Man City : Hatiilayaasha Rikoor Champion-ka Ah Ayay Ku Leeyihiin Wiilasha Reer Spain

Manchester City ayaa rikoor cajiib ah ka heysata Sevilla, waxaana ay badiyeen labadii kulan ee ay wada ciyaareen labada kooxood. Sevilla ayaan wali ka badinin Manchester City kulan rasmi ah waxayna isku dayi doontaa in ay taariikh abuurto talaadada.

Xogta Kulanka

*Waa xilli ciyaareedkii labaad ee labadaan koox kulmayaan tartan weyn yurub ah , 2015-tii Man City ayaa labadii is arag ee wareeegga Group-yada Champion-ka  guul ka gaartay Sevilla

*Sevilla ayaa badisay kaliya hal kulan ka dib 8 kulan oo wareegga Group-yada Champion-ka la ciyaartay koox Ingiriiska ah ,  sedex bar bar dhac iyo afar guul darro ayay wataan , waxa ayna guushaas November 2007-dii ka gaareen Arsenal.

* Man City waxa ay badiyeen sedex kulan ka dib 13 kulan oo banaanka kuls soo ciyaareen koox Spain tartan weyn oo yurub, ah , laba bar bar dhac iyo 8 guul darro ayaty wataan .

*Sevilal markii sedexaad xariir ah ayay u soo baxday Champion-ka

* Man City ayaa champion-ka imaaneysay 12-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay

Shaxda laga yaabo in City ku soo galaan: Ederson; Joao Cancelo, Ruben Dias, John Stones, Nathan Ake; Ilkay Gundogan, Rodri, Kevin De Bruyne; Riyad Mahrez, Erling Haaland, Jack Grealish