Sevilla Mise Man United? Tababaraha Sevilla Oo Saadaaliyay Natiijada Semi-finalka Europa League.

Tababaraha Sevilla Julen Lopetegui ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisu ay garaaci karto Manchester United kulanka Semi-final-ka Europa League xilli ciyaareedkan kadib markii ay dhaafeen Wolves.

United ayaa axada la ciyaari doonta kooxda Sevilla kulan ay labada kooxood ku dagaalami doonaan Final-ka Tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ayaana aaminsan in ay kooxdiisu garaaci karto Man United.

“Waxa aan kulanka xiga la ciyaari doonaa Man United oo ah kooxda gu weyn adduunka laakiin waanu u diyaargaroobi doonaa”ayuu Lopetegui Yidhi.

“Waxa aan diirada saari doonaa kulanka xiga, oo aan la ciyaari doono koox weyn oo taariikh leh kana mid ah kooxaha ugu waaweyn taariikhda kubada cagta waliba ku jira qaab ciyaareed fiican”.

“Waxa aan soo bandhigi doonaa qaab ciyaareedkeena ugu fiican, waa koox adag laakiin waxa aan aaminsanahay in aanu garaaci karno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*