Sergio Rmos Oo Taariikh Ka Dhigay La Liga.

Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa taariikh ku sameeyay Goolkii furitaanka ee uu u dhaliyay kooxda Real Madrid kulankii Leganes.

Ramos ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee xilli ciyaareedka kulankii Leganes taas oo ay goolasha ugu badan ee uu daafac ka dhaliyo La Liga qarniga 21-aad.

Daafaca Mariano Pernia ayaa markii hore haystay rikoodhka isaga oo 10 gool u dhaliyay kooxda Getafe 15 sano ka hor.

Ramos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray xilli ciyaareedkan gaar ahaan qaybtii dambe kadib markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kadib xanuunka Korona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*