Sergio Ramos Oo Rikoodh Cusub U Dhigay Real Madrid Kulankii Huesca.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sii wada dhigista Rikoodhada kooxda Real Madrid kadib guushii ay Los Blancos ka gaadhay kooxda Huesca.

Kooxda Real Madrid ayaa guul 4/1 ah ka gaadhay kooxda Huesca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 8-aad.

Shabakada Opta ayaa sheegtay in uu Sergio Ramos ciyaaray kulankiisii 500-aad ee horyaalka La Liga ee kooxda Real Madrid.

Sidaas darteed daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqday xiddigii 10-aad ee kooxda u safta 500 oo kulan horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*