Sergio Ramos Oo Qarka U Saaran In Uu Isaga Tago Real Madrid, Maxaa Cusub.

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku dhaw in uu si xor ah uga tago kooxda Real Madrid kadib markii ay bur-bureen wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxdiisa.

Daafaca ayaa ah xiddiga wakhtiga ugu badan joogay kooxda Real Madrid xiddigaha haatan waxana uu heshiiskiisu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa la rumaysanyahay in uu bartilmaameed u yahay kooxda reer France ee PSG Xilli uu xiiso ka helay kooxaha Liverpool iyo Juventus.

Kooxda Real Madrid ayaa ku rajo weynayd in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga waliba uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

Laakiin wargayska AS Ayaa sheegaya in ay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee u dhexeeyay xiddiga iyo kooxdu gabi ahaan bur-bureen.

Wararka ayaa sheegaya in uu Sergio Ramos diiday heshiis hal sano ah oo ay u soo bandhigtay kooxda maadama uu yahay xeerka kooxda ee xiddigaha da’da ah.

Ramos ayaa maalmaha soo socoda heshiis hordhac ah u saxiixi karo koox kasta oo uu doonayo isaga oo xagaaga si xor ah ugu biiri kara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*