Sergio Ramos Oo Loo Soo Bandhigay Dalab Madax Wareer Ah Ku Ridaya , Toloow Ma Bixi Doonaa ?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in kabtan Ramos uusan saxiixi doonin hishiis cusub xillli dalabyo waa weyn uu ka haysto Shiinaha

Ramos ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed wacan waxa uuna kooxdiisa wax kaga hogaamiyay Spain xilli kulamadii ugu dambeeyay lagu baxsaday goolashiisa

Hishiiska Ramos ee Real waxa uu dhacayaa xagaaga 2021-ka waxaana muuqaneysa in uusan dooneyn in uu isku lug xero Real oo uu saxiixo hishiis cusub .

Kooxaha Shiinaha ayaa la tibaaxayaa in Ramos u bandhigeen mushaar sanadkii gaaraya 22 milyan oo euro waase haddii ay ku helaan qaab xor ah oo ay la saxiixdaan marka hishiiskiisa uu dhamaado .

Ramos waxa uu haatan qaataa sanadkii 13 milyan waana laacibka labaad ee Spain ah ee qaata mushaarka ugu badan dunida ciyaaraha

Real waxa ay dhankooda doonayaan in Ramos ka saxiixdaan ugu yaraan hishiis dheeraad ah oo hal xilli ciyaareed gaaraya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*