Sergio Ramos Oo Ku Soo Wajahan Premier League, Kooxdee Ayuu Ku Biirayaa?

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa isku diyaarinaya in uu si xor ah uga tago kooxda Real Madrid xagaaga waxana uu doonayaa in uu ku soo biiro kooxda Man United.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisu waxana la rumaysanyahay in uuna wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirin.

Kooxda PSG ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga reer Spain laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uuna daafacu doonayn ku biirista horyaalka France.

Sidaas darteed xiddiga ayaa doonaya in uu ku soo biiro Horyaalka Premier League waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Man United.

Xiddiga Ramos ayaa kooxda Real Madrud u ciyaaray 18 kulan tartamada oo dhan kooxdiisa xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 3 gool.

Ramos ayaa guud ahaan Real Madrid u dhaiyay 100 gool 668 kulan oo uu u ciyaaray Los Blancos tartamada oo dhan isaga oo kula guulaystay 5 horyaal iyo 4 champions league intii uu joogay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*