Sergio Ramos Oo Ku Dhaw In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Real Madrid, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugayaa.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah oo uu kusii joogayo garoonka Bernabeu.

Heshiiska daafaca dhexe ee Real Madrid ayaa dhici doona dhamaadka bishan taas oo la macno ah in uu qaab xor ah uga tagi doono kooxda todobaadyada soo socda.

Ramos ayaa la sheegayaa in uu doonayo heshiis dheer in uu u saxiixo kooxda halka ay Kooxdiisu u soo bandhigtay heshiis hal sano ah.

Si kasta ha ahaatee Deportes Cuatro ayaa sheegaysa in uu xiddiga 35 jirka ah go’aankiisa badalay waliba aqbalay heshiiska ay kooxdiisu miiska u saartay.

Tababaraha cusub ee Carlo Ancelotti ayaa la sheegaya in uu doonayo in uu wax walba u sameeyo sidii uu u sii haysan lahaa xiddiga isaga oo ku tilmaamay xiddig aad muhiim u ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*