Sergio Ramos Oo Kashifay Doorkii Uu Neymar Ka Qaatay Ku Biiristiisa PSG

Neymar ayaa noqday hubka sirta ah ee ay kooxda PSG ugu qancisay in ay hesho saxiixa daafaca dhexe ee Sergio Ramos.

Daafaca dhexe iyo xiddiga reer Brazil ayaa ku xafiiltamayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Laakiin Ramos ayaa soo afjaray 16 sano oo uu joogay Kooxda Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jira kooxda Los Blancos.

Ramos ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin kooxaha premier League ee Man United, Man City iyo chelsea kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Laakiin kooxda PSG ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga kadib markii ay Rasmi ugu dhaqaaqday iyaga oo ka saxiixday heshiis 2 sano ah.

Ramos oo la hadlaya wargayska L’Equipe ayaa yidhi”Neymar ayaa igu qanciyay in aan ku biiro kooxda PSG”.

“Ka hor intii aanan u saxiixin kooxda waxa aan la hadlay Neymar kadib waxa ana ku qancay dalabka PSG”Ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*