Sergio Ramos Oo Ka Fiirsanaya In Uu Ku Biiro 3-dan Koox Midkeed, Dalab Ayay Dhamaantood Miiska U Saareen.

Xiddiga xorta ah ee Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fiirsanayo dalabyada uga imanaya kooxaha Man City, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska daafaca ee Real Madrid ayaa maanta si Rasmi ah u dhacay waxana uu ka tagi doonaa Real madrid kadib 16 sano oo uu ku qaatay Bernabue.

Inkasta oo uu xlli ciyaareed adag soo qaatay xiddiga Sergio Ramos ayaa hadana ka mid ah xiddigaha daafaca ugu fiican adduunka waxana doonaya kooxo badan oo reer yurub ah.

Sida laga soo xigtay ESPN, City, PSG iyo Bayern ayaa dhamaantood xiriir la sameeyay wakiilada xiddiga reer Spain si ay heshiis ula gaaraan.

Wararka ayaa haatan sheegaya in uu Ramos ka fiirsanayo dalabka ay gudbiyeen kooxaha ka hor inta uuna go’aanka kama dambaysta ah qaadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*