Sergio Ramos Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid Kadib Kulankii Inter Milan.

Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray Halyeeyo kooxda ah kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Los Blancos.

Daafaca ayaa gool madax ah dhaliyay kulankii ay Real Madrid guusha 3/2 ah ka gaadhay kooxda Inter Milan kulan champions League ahaa.

Daafaca 34 jirka ah ee Sergio Ramos ayaa noqday xiddigii 19-aad ee dhaliya goolkiisii 100-aad ee kooxda Real Madrid.

Xiddigii hore ee kooxda Sevilla ayaa kooxdiisa u ciyaaray 569 kulan isaga oo cel-celis ahaan dhaliyay ugu yaraan 3 gool kulan kasta tartamada oo dhan tan ilaa marki uu 15 sano ka hor yimid kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*