Sergio Ramos Oo Iska Diiday Dalab Weyn Oo Uu Ka Helay Man United.

Daafaca dhexe ee khibrada leh Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalab qaali ah oo uga yimid Manchester United isagoo doorbiday inuu heshiis la gaaro Paris Saint-Germain.

35 jirkaan ayaa lagu heli karaa qaab xor ah xagaagan, isagoo ka tagay Real Madrid ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa, PSG ayaa la sheegay inay qarka u saaran tahay inay la soo wareegto.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Man United ayaa dooneysay inay gacanta u geliso Ramos heshiis hal sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 200 kun ginni, iyadoo fursad u heysata inuu xilli ciyaareed labaad ku qaato Old Trafford.

Si Kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu iska diiday dalabka Man United isaga oo ka doortay in uu ku biiro kooxda PSG inkasta oo uu mushahar ka yar midkii ay United u soo bandhigtay qaadanayo.

Ramos ayaa la sheegayaa in uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda PSG ka hor inta uuna dhamaystirin heshiiska uu ugu biirayo kooxda reer France kaas oo dhan laba sano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*