Sergio Busquets Oo Ka Shifay Sir La Xariirta Mustaqbalka Macalin Koeman

Qadka dhexe Barcelona ee Sergio Busquets ayaa qiray  in xaalka kooxdiisa ee Champion-ka uu adag yahay xilli cyareedkaan.

Arintaan ayaa imaaneysa ka dib guul darro xanuun badan oo sedex gool ah oo ay kala soo kulmeen kooxda Benfica  oo ay marti ugu ahaayeen kulan tirsan wareegga 2-aad ee Group-yada Champion-ka

Wargeyska Marca ayuu Sergio Busquets ka yiri ” waxii kulankii Benfica dhacay waa arin adag , waana liidannay balse waxaan isu haysannay in aan wacannahay”

Su`aal laga weydiiyay mustaqbalka macalin Koeman oo aheyd in ay suura gal tahay in la eriyo waxa uu laacibka yiri” waxa ugu fudud dhamaadkii waa arintaas balse dhamaanteena ayaa mas`uul ka ah waxii dhacay , Barca xaalad xun ayay mareysaa”.

“Aan aragno waxa dhaca kulamada dambe , waxaan xoogga saareynaa in aan soo baxno” ayuu sii raaciyay Sergio Busquets

Barcelona ayaa bilaaa dhibic ah waana guul daradii labaad ee Champion-ka oo kulanki hore Bayern Munich ayaa garaacday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*