Sergio Aguero Oo Qoyskiisa U Sheegay Kooxda Uu Ku Biirayo

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu qoyskiisa u sheegay qorshihiisa ah in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Wargayska La Porteria ayaa sheegaya in ay Barceona heshiis Rasmi ah miiska u saartay Aguero todobaadkan waliba xiddiga reer Argentine la dhacay heshiiskaas.

Heshiiska ayaa ah muddo 2 sano ah waxana uu Aguero haatan qoyskiisa iyo Asxaabtiisa ku war galiyay in uu ka ciyaari doono Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Aguero ayaa isaga tagi doona kooxda Man City kadib markii uu muddo 10 sano ah joogay kooxdiisa laakiin waxa uu doonayaa in uu sii joogo horyaalada yurub.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddiga 32 jirka ah keento Camp Si ay xiddiga Lionel Messi ugu qanciyaan in uu sii joogo kooxda heshiis cusubna u saxiixo.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*