Sergio Aguero Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Koox Premeir league Ah, Mana Ahan Chelsea & Man United.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday ku biirista kooxda Tottenham marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Halyeeyga Man City ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Aguero ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka premeir League wargayska Telegraph ayaana sheegaya in uu Aguero diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Tottenham xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Aguero diyaar u yahay in uu iska iloobo champions League si uu ugu biiro kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Aguero ayaa diyaar u ah in uu ku biiro Tottenham si uu u sii joogo horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe maadama uu si fiican ula qabsaday horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*