Sergio Aguero Oo Magacaabay 4-ta Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League

Sergio Aguero ayaa u magacaabay Arsenal mid ka mid ah ‘musharrixiintiisa’ ku guulaysan kara horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub kulana tartami kara kooxaha Man City iyo Liverpool.

Gunners ayaa Kulamadii ugu dambeeyay seegtay champions league xilli ciyaareedka cusub iyaga oo booska 4-aad u waayay kooxda ay Xafiiltamaan ee Tottenham.

Arsenal ayaa si fiican u gashay suuqa xagaaga iyaga oo kooxda ku soo daray xiddigaha Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko, Fabio Vieira, Marquinhos & Matt Turner.

Aguero ayaana aaminsan in saxiixyada cusub ay Arsenal ka caawin doonaan in ay Ku tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

“Sidii mar walba ahayd premier League waxa uu mar kale muujin doonaa in uu yahay horyaalka ugu adag adduunka”ayuu Aguero yidhi.

“Sidaas darteed kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League waxa ay kala yihiin Man City, Liverpool, Chelsea iyo Arsenal kuwaas oo si fiican isku xoojiyay”ayuu sii raaciyay.