Sergio Aguero Oo Magacaabay 3-da Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Man City Sergio Aguero ayaa magacaabay 3 kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedka.

Waxa caawa si Rasmi ah loo bilaabi doonaa tartanka ugu xiisaha badan adduunka iyada oo ay koox walba nasiibkeeda tijaabin doonto xilli ciyaareedkan.

Sida caadiga ah waxa jira kooxo bilowdga tartanka loo saadaaliyo in ay ku guulaysan doonaan sabab la xidhiidha awooda ay leeyihiin iyo xiddigaha ay haystaan.

Hadaba Sergio Aguero ayaa markan saadaaliyay 3-da kooxood ee ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League.

Sergio Aguero ayaa kooxaha Man City, PSG iyo Tottenham u saadaaliyay ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

“Aniga ahaan Tottenham waxa ay noqon doontaa koox adag oo ay koox walba ka cabsan doonaan in ay wajahaan marka loo eego in uu Conte leeyahay khibrad uu kooxdiisa kaga dhigo koox adag”.

“Man City ayaa sidoo kale ah kooxda ugu cad-cad sabab la xidhiidha qaab ciyaareeka uu ku jiro Haaland waxana uu ugu dambayn Man City ka caawin karaa in ay ku guulaystaan”ayuu sii raaciyay.

“Ugu dambayn koox walba oo uu Lionel Messi u ciyaaro waa in ay tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League”ayuu Aguero hadalkiisa ku soo xidhay.