Sergio Aguero Oo Hal Arin Darteed Ugaa Tagaya Man City , Halkee Ayuu Aadayaa?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Aguero uu go`aansaday in uu ka huleelo kooxda Man City marka suuqa xagaaga uu furmo.

Bogga Goal.com ayaa sheegaya in Aguero meeshii lagu gaaro janauary uu wada xaajood la furi karo kooxda uu doono .

Man City ayaan weli u dhaqaaqin hishiis cusbooneysiinta laacibka mana jiraan xittaa ifafaalo muujinaya arintaas , waana midda keeneysa in uu baxo.

Laacibkaas 32 sano jirka ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ragaadiyay dhaawacyo keenay in heer ciyaareedkiisa uu hoos u dhaco .

Aguero tan iyo biloowgii xilli ciyaareedka waa uu maqnaa ka hor inta uusan ku soo laaban kulankii Aersenal ee horyaalka ee dhacaya sabtidii .

Waxaa haatan la xusayaa in Aguero uu ku war giliyay saaxibo ku dhaw in uu ka fikarayo in uu sameeyo tijaabo horyaalka Mareykanka ah .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*