Sergio Aguero Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Ay Inter Milan Ugu Jirto Saxiixiisa

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa kooxda Inter Milan u sheegay in uuna wax xiiso ah u qabbin in uu u soo dhaqaaqo horyaalka Serie A-da.

Sergio Aguero ayaa xiddig xor ah noqon doona xagaaga waxana laga yaabaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer Argentine.

Laakiin saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in uuna xiddiga Man City doonayn in uu ku biiro Inter Milan.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay kooxda Man City xitaa heshiis cusub u soo bandhigi karto xiddiga si uu u sii joogo kooxda.

Sidoo kale saxafiga kale ee Lucas Scagliola ayaa sheegaya in uuna Aguero gabi ahaan doonayn in uu u ciyaaro koox kale oo yurub ah.

Aguero ayaa jecel in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City uu ku laabto horyaalka Argentine si uu ugu biiro kooxdiisii hore ee Independiente.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*